1203 Views

Golihii deegaanka degmo ka tirsan Puntland oo is wada-casilay

Golihii deegaanka degmo ka tirsan Puntland oo is wada-casilay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 18,, 2019  –Waxaa inta badan iswada casilay Golihii deegaanka degmada Burdinle ee Gobolka Mugaal Maamulka Puntland,kadib markii shalay kulan ay yeesheen la horkeenay mooshin,waxaana Xildhibaanda golaha deegaanka ay ka kooban yihiin 23 Mudane.

16 xubnood oo kamid ah golaha Degaanka degmada Buurtinle ayaa is casilay ,waxaana mooshinka laga keenay guddoomiyaha degmada Burtinle  Maxamed Maxamuud Axmed (Buur-dibi), kadib markii Xildhibaanada Golaha deegaanka ay ku eedeeyay xil gudasho la’aan.

Xeerka Golayaasha deeganka Puntland ee Law 7  ayaa qaba in hadii Saddex meelood laba ka mid ah ay is casilaan sidaasi lagu kala dirayo dhamaan Golaha deegaanka,isla markaana mudda 45 cisho gudahooda lagu soo dhiso gole cusub, haddii uu meesha ka baxo gole Degaan.

Ugu dambeyn Mas’uuliyiinta wasaaradda arrimaha gudaha  Puntland oo haatan ku sugan degmada Buurtinle ayaa laga sugayaa in ay soo dhisaan gole Degaan oo cusub.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment