1164 Views

Taliyaha Tigray Jeneraal Tsadkan Gebretensae oo ku baaqay xabbad-joojin heshiis lagu yahay

Taliyaha Tigray Jeneraal Tsadkan Gebretensae oo  ku baaqay xabbad-joojin heshiis lagu yahay
____________________________________________________________________________

 

 Talaado: July 6, 2021

Taliyaha xooggaga Tigray ee dhawaan la wareegay magaalada Mekelle, Jeneraal Tsadkan Gebretensae, ayaa ku baaqay xabbad-joojin heshiis lagu yahay iyo in xal siyaasadeed laga gaaro colaadda gobolkaas.

Waxa uu u sheegay wakaallada wararka ee Reuters in dowladda Itoobiya ay ku guulaysan weyday dagaalka, haatanna la joogo xilligii ay dhinacyadu geli lahaayeen wadaxaajood ku aaddan xabbad-joojin buuxda.

“Waxaan isu xakameyneynaa si xal siyaasadeed looga gaaro mushkiladda oo dhan. Waxaan jeclahay in Beesha Caalamka ay fahanto xaaladda taagan,” ayuu yiri Jen. Tsadkan.

“Haddii la waayo xal kale, waxa xiga ee aan sameyneyno ayaa ah in aan arinta ku wajahno cudud milateri,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Ra’iisal wasaare Abiy oo Isniintii khudbad u jeediyay baarlamaanka Itoobiya ayaa sheegay in aan looga adkaan dagaalkii Tigray, balse taa bedalkeeda aad loo wiiqay awoodda TPLF.

Waxa uu tilmaamay in ka bixitaankii Mekelle uu ahaa mid bil la qorsheynayay oo tashi badan ay geliyeen.

TPLF ayaa horay ugu gacan-sayrtay xabbad-joojin dhinac ah oo ay ku dhawaaqday xukuumadda Addis Ababa kadib markii ay ciidamadeeda kala baxday Mekelle.

Jananka ayaa ku eedeeyay xukuumadda Abiy inay diiddan tahay in gargaar la gaarsiiyo Mekelle iyo deegaannada kale ee Tigray, eedeyntaas oo ay beenisay Addis Ababa.

Cadaadis Caalami ah

Cadaadis caalami ah ayaa hadda saaran labada dhinac, kaasoo ah inay fududeeyaan in gargaar bani’aadannimo la gaarsiiyo boqolaal kun oo qof oo ku daruufeysan gobolkaas.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in xaalad macluul ah ay ka jirto inta badan deegaannada Tigray, dadkuna ay u dhimanayaan gaajo.

Axadii la soo dhaafay, TPLF ayaa shuruudo badan ku xirtay in ay xabbad-joojinta aqbasho, waxaana kamid ah in gobolka laga saaro ciidamada Eritrea iyo kuwa gobolka Amxaarada.

Jeneraal Tsadkan Gebretensae ayaa dhanka kale sheegay in xooggaga Tigray ay gacanta ku hayaan ku dhawaad 8,000 oo maxaabiis dagaal ah, kuwaas oo ka tirsan dhinacyada la dagaallamayay. G. sare Getnet Adene oo u hadlay milateriga Itoobiya ayaa beeniyay sheegashadaas.

Waa kuma Jeneraal Tsadkan Gebretensae?

Jabhad iska caabin oo la magac baxday Tigray Defence Forces (TDF), ayna ka mid yihiin dagaalyahannada TPLF iyo kuwo kale ayaa dagaalka kula jirta ciidamada Itoobiya.

Jen Tsadkan ayaa kamid ah taliska dhexe ee jabhadda, waxaana la rumaysan yahay inuu yahay ninka ku hogaamiyay guulaha ay dhawaan gaareen.

68 jirkan ayaa sanadkii 1976 ka tegay jaamacadda Addis Ababa oo uu ka baranayay maadada Biology, waxaana uu ku biiray Tigray People’s Liberation Front (TPLF). Xilligaas jabhadda ayaa dagaal kula jirtay dowladdii Mengistu Haile Mariam.

Qiimeyntiisa, xirfaddiisa abaabul iyo sida uu u so jiidan jiray kalsoonida dagaalyahannada ayaa ka dhigtay in sanado gudahood uu kamid noqdo ragga ugu magaca weyn taliyayaasha jabhadda.

May 1991, Jen Tsadkan oo hoggaaminaya xooggagii TPLF iyo Eritrean taabacsan ayaa gacanta ku dhigay caasimadda Addis Ababa, waxaana ay xilka ka tuureen Mengistu.

Waxa uu ku guulaystay in xooggagii TPLF ee qabsaday caasimadda ay sugaan ammaanka, isla markaana ay ilaaliyaan kala dambeynta iyo hawlaha dowladda. Saddex maalmood kadib markii ay caasimadda galeen 28-kii May 1991, waxaa si habsami leh mushaaraadkoodii loo siiyay shaqaalaha dowladda.

Jen Tsadkan ayaa muddo dheer aaminsanaa in Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afewerki, uu halis muuqata ku yahay Itoobiya, arrintaas oo ay ku diideen qaar badan oo kamid ah hogaanka TPLF.

Jananka ayaa ahaa ninka qorsheynta u qaabilsan milateriga Itoobiya markii uu qarxay dagaalkii uu dalkiisa la galay Eritrea 1998. Waxa uu ahaa dagaal ba’an oo ay ku dhinteen ku dhawaad 80,000 oo qof oo labada dhinac ah.

Jen Tsadkan ayaa doonayay in ciidamada Itoobiya ay galaan caasimadda Asmara, balse waxaa qorshahaas ku gacan-sayray Ra’iisal wasaarihii xilligaas, Meles Zenawei.

Dagaalka kadib, waxa ay kala qeybsanaan xooggan soo dhex-gashay hogaanka TPLF. Meles ayaa xilka ka qaaday Jen Tsadkan oo markaa ahaa taliyaha ciidamada Itoobiya.

Intii muddo ah, waxa uu jananka la qabsan la’aa noolashada shacabnimada. Muddo kadib waxa uu shaqo ka helay hay’adda UK u qaabilsan horumarinta caalamka. Sidoo kale waxa uu noqday ganacsade, isagoo warshad khamri ka sameystay magaalada uu ka soo jeedo ee Raya, galbeedka Tigray.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post