1125 Views

Qaramada Midoobay Iyo Dowlad Oo Ku Heshiiyay In Gargaar La Siiyo Shacab

Qaramada Midoobay Iyo Dowlad Oo Ku Heshiiyay In Gargaar La Siiyo Shacab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 07, 2021–Madaxa ha’yadda cuntada ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay inay heshiis la galeen dowladda Itoobiya si loo ballaariyo howlaha gargaarka loogu fidinayo shacabka ku nool shacabka gobolka Tigray si shaqaalaha gargaarka loogu ogolaado inay gaaraan halkaas.

David Beasley wuxuu sheegay in ku dhawaad 3 malyan oo qof oo ku nool gobolka ay u baahan yihiin gargaar.

Qaramada Midoobey waxay marar badan cabasho ka muujisay in shaqaalaha gargaarka loo diiday inay galaan gobolka si dadka taabaleysan ay u gaarsiiyaan gargaar.

Dagaal ayaa weli ka socdaa gobolka inkasta dowladda ay sheegtay inay la wareegtay gobolkaas.

Labada dhinac wuxuu midba midka kale ku eedeynayaa in la geystay tacaddiyo ka dhan ah xuquuqul insaanka oo ay kamid yihiin kufsi iyo in dadka si ula kac loola beegsaday macluul.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post