1020 Views

Shacab dagan agagaarka Villa Soomaaliya oo arrin la yaab leh ka cabanaya

Shacab dagan agagaarka Villa Soomaaliya oo arrin la yaab leh ka cabanaya
____________________________________________________________________________

Talaado, 9 Febraayo [Qaranimo Online] Dadka ku dhaqan xaafada Barxadda Wardhiigleey, oo ah xaafad kaabiga ku haysa Madaxtooyada Villa Soomaaliya, ayaa si wayn kaga cabanaya goob biyo fadhiisi ah oo madaxtooyada u jirta wax ka yar 100 tillaabo.

Waxgarad ka tirsan dadka xaafada ayaa sheegay in tiro ka saddex jeer ay ka codsadeen madaxtooyada in wax laga qabto goobtan, oo isu bedeshay bulaacad.

“Waxay ceeb iyo weji gabax ku tahay sumcada Villa Somalia in meel 100 tillaabo u jirta ay noqoto bulaacad, inkastoo meeshani ay weligeed ahayd meel ay biyaha fadhiiistaan, haddana cidda keliya ee wax ka qaban karta waa dowladda” Ayuu yiri Eng. Xassan Max’uud oo ka tirsan waxgaradka xaafada Barxadda Wardhiigleey, isaga oo ka dalbaday maamulka gobolka Banaadir in ay si degdeg ah wax kaga qabtaan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post