654 Views

Madaxweynaha maamulka Puntland Deni oo cambaareeyay qaraxa lagu dilay xildhibaan Aamina

Madaxweynaha maamulka Puntland  Deni oo cambaareeyay qaraxa lagu dilay xildhibaan Aamina
____________________________________________________________________________


Khamiis:March 24, 2022

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo qarax lagula beegtay magaalada Baladweyne.

Madaxweynaha ayaa cambaareeyay falkaasi iyo cidii ka danbeysay, wuxuuna ummada Soomaaliyeed iyo Golaha Shacabka JFS uga tacsiyeeyay geerida Aamina Maxamed Cabdi oo ka mid ahayd Baarlamaankii 10-aad , hadana u tartamaysay si ay usoo laabato.

“Alle ha’unaxariisto Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo ku geeriyootay Qarax ka dhacay Beledwayne, waxay ka mid aheyd Xildhibaanadii Baarlamaanka 10-aad sida weyn uga dhex muuqday hadana Olole ugu jirtay inay tartanto.

Marxuumada Alle janadii ha geeyo, ehelkeedana Samir iyo iimaan alle ha kasiiyo Aamiino”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka tacsiyadeeynaya dhammaan dadkii kale ee waxyeeladu kasoo gaartay weerarkaasi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post