483 Views

Macaluul xun oo ay soo wajahday dalal badan oo ku yaalla dunida

Macaluul xun oo ay soo wajahday dalal badan oo ku yaalla dunida
____________________________________________________________________________

Isniin: July 11, 2022

Warbixin ay soo saartey Qaramada Midoobay, ayaa lagu sheegay in dalal gaaraya 63 dal, oo ay kunool yihiin dadka ugu badan, ee ay nafaqo xumo soo wajahday.

Qiyaastii 14.4 oo kamid ah dadka dadweynaha Kenya, oo ka kooban 53 milyan oo qof, ayaa waxaa soo food saartay cunto yari ba’an, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay soo saartey Qaramada Midoobay.

Xaaladda sugnaanta cunnada iyo nafaqada ee adduunka, ee ay soo saartey hey’adda Qaramada Midoobay qeybta Cuntada iyo Beeraha ee FAO, ayaa lagu saleeyey xog la ururiyey intii u dhaxeysay sanadkii 2019-kii illaa iyo 2021-kii.

Waxey si weyn diiradda u saartey saameynta cudurka faafa ee Covid19, inkastoo uu xaaladda uga sii darey duullaanka dowladda Ruushka ay ku qaadey dalka Ukraine bishii Febraayo, kaasoo xaaladda sii xumeeyey.

5-tii Luulyo, Aggaasimah Fulinta ee Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) David Beasley, ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay fariin uu ku sheegayo in isku darka masiibada cudurka Covid19, iyo is beddelka cimilada dunida, in uga sii dartay xaaladda qoysaska adduunka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post