261 Views

Soomaaliya oo ka gudubtay habraacyada wejiga koowaad ee ku biirista daladda bulshadda ee Bariga Afrika

Soomaaliya oo ka gudubtay habraacyada wejiga koowaad ee ku biirista daladda bulshadda ee Bariga Afrika
____________________________________________________________________________

Arbaco: OCTOBER 26, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardargelinaya qorshaha ka mid noqoshada Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Xoghayaha guud ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika Mudane Dr. Peter Mathuki.

Madaxweynaha oo Xoghayaha la wadaagay sida ay Soomaaliya uga go’antahay dhammeystirka dhammaan habraacyada muhiimka ah ee ka mid noqoshada dowladaha ku bahoobay Dalladdan ayaa faray in 12 bilood ee soo socda lagu soo gabagabeeyo qorshahan, si ganacsatada Soomaaliyeed ay fursad ugu helaan ka qeyb qaadashada horumarka dhaqaale iyo is-dhexgalka bulshada Gobolka Bariga Afrika.

“Waan ku faraxsanahay in halkan aan soo gaarno, waxa aan rabaa in muddo ku siman 12 bilood lagu soo afmeero howshan, si dadkeennu dhaqsi uga faa’iideystaan fursadaha ganacsi ee ka jira  dalalka ku bahoobay isbaheysigaan. Waan ku kalsoonahay in dadkeyga hibada ganacsi u leh ay wax weyn kusoo kordhin doonaan kobaca dhaqaale iyo horumarka Bariga Afrika.”

Dhankiisa, Xoghayaha guud Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika Dr. Peter Mathuki oo Soomaaliya ku boggaadiyay dadaalka xoogan ee ay u gashay in ay ka gudubto habraacyada ku xusan wejiga koowaad ee qorshahan ayaa tilmaamay in dhammaan xubnaha Dalladdu ay diyaar u yihiin in ay soo dhaweeyaan ku biiritaanka Soomaaliya ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo xoojinaya hannaanka ansixinta codsiga dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigay fursadaha dhaqaale iyo bulsho ee ay ku tilmaaman yihiin shacabka Soomaaliyeed iyo doorka xooggan ee ay ka qaadan karaan horumarka dalladan iyo saameynta horumarineed ee ay ku yeelan karaan Gobolka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post