1059 Views

Madaxweynaha Poland oo su’aalo ka keenay in madaxweynaha Ruushka Putin uu dagaalka hadda socda ee Ukraine uu ku adeegsan karo hubka wax gumaada.

Madaxweynaha Poland oo  su’aalo ka keenay in madaxweynaha Ruushka Putin uu dagaalka hadda socda ee Ukraine uu ku adeegsan karo hubka wax gumaada.
____________________________________________________________________________


Axad: March 13, 2022

Madaxweynaha Poland ayaa su’aalo ka keenay in madaxweynaha Ruushka Putin uu dagaalka hadda socda ee Ukraine uu ku adeegsan karo hubka wax gumaada.

Madaxwenaha daka Poland Andrezej Duda ayaa sheegay in waeerar ay Ruushku ku qaadaan Ukraine oo loo adeegsado hubka waxgumaadaay NATO u noqon karto qaab ay dagaalka ku soo gali karaan .

Dagaalka loo adeegado hubka wax gumaada wuxuu soo dedejin karaa cawaaqib xumo iyo dagaalkii saddexaa ee dunida sida ay qabaan siyaasyiinta iyo dadka wax odorosa weyna adag tahay in labada dhinac e Ruushka midkoodna uu ku degdego.

Madaxweynaha Poland wuxuu qaaa in aanu ku dhicin Putin isticmaalka hubka halista ah ee kiimikada iyo kan baylojiga laakiin uu Putin wax kasta oo kale sameyn karo.

Dagaalka haatan ee Ukraine qaabka uu u socdo Putin iyo madaxa adan oo katirsan militariga Ruushka kuma qanacsana waxayna u arkaan mid aan u dhicin sidii ay rabeen .

Dagaalku siyaasad ahaana Ruushka waa la go’doomiyey militari ahaana Ruushka guul weyn kama gaarin waana waxa dhibaatada ku haya Putin

Laakiin waxa isha lagu wada hayo ayaa ah su’aasha ah NATO side uga falceineysaa haddiiba hubkaa la isticmaalo , sideese caalamka ay u sameyn doonta

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post