2697 Views

Madaxda Soomaalida oo lagu eedeyey in shirka Brussels uu noqday mid ay isku dacwadeeyaan

Madaxda Soomaalida oo lagu eedeyey in shirka Brussels uu noqday mid ay isku dacwadeeyaan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 176, 2018 –  Siyaasiga C/raxmaan Nuur Maxamed Diinaari oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaalida oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii dalka soo maray ayaa ka hadlay xiriiirka aan wanaagsaneyn ee ka dhexeeya Madaxda DFS iyo kuwa Maamul-goboleedyada.

Isaga oo wareysi siiyey Qaranimo Online ayuu sigaar ah waxa uu u soo hadal qaaday arrintii shalay ka dhacday shirka Magaalada Brussels e uu Madaxweynaha Jubbaland ku eedeeyey dowladdadhexe,arintaas ayuu tilmaamay inay ku timid faham la’aan dhinaca hannaanka Maamulka ah oo haysata madaxda qaarkood.

Arrinta ah in la isku eedeeyo shirarka caalamiga ah ayuu ku sheegay inay muujineyso dhabar jab iyo fashil siyaasadeed oo ku yimid hanaanka horumarka dalka Soomaaliya

Waxa uu sheegay in wixii shalay ka dhacay Shirkii Magaalada Brussels ay muujineysaa in xiriirka ka dhaxeeya Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada uusan wanaagsaneyn,isl markaana uu u arko in dowladda lagu dacweynayo Midowga Yurub.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment