780 Views

Dib u dhac ku yimid doorashada 11 kursi oo taala Beledweyne.

Dib u dhac ku yimid doorashada 11 kursi oo taala Beledweyne.
____________________________________________________________________________


Isniin: March 7, 2022

Guddiga maamulka Hirshabelle ee SEIT qoraal kasoo baxay ayaa lagu shaaciyay in dib u dhac uu ku yimid jadwalkii soo gudbinta guddiyada soo Xuliya kuraas 11 ah, kuwaa oo deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Beledweyne.

Qoraalka Guddiga ayaa lagu yiri”Waxuu Ogaysiinayaaa dhamaan daneeyaasha Doorashada in dib u dhac uu ku yimid jadwalkii soo gudbinta guddigu Xulista ergada ee guddigu shaaciyay taariikhda markii ahayd 02/03/2022 sababo Farsamo Awgeed.”

Sidoo kale, Guddiga ayaa sheegay in ay dib kasoo shaacin doonaan Jadwal kale oo faahfaahsan sida ugu dhaqsiyaha badan.

“Guddigu dib ayuu ka soo shaacin doonaa Jadwal kale oo faahfaahsan sida ugu dhaqsiyaha badan.” qoraalka Guddiga kasoo baxay  ayaa sidaa lagu yiri.

Kuraasta ayaa kala ah tirsigooda: HOP#004, HOP#010, HOP#011, HOP#019, HOP#030, HOP#039, HOP#058, HOP#059, HOP#063, HOP#066 iyo HOP#135.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post