828 Views

Puntland oo ballanqaaday in ay wax ka qaban doonto dhibaatooyinka ka taagan adeegyada caafimaadka

Puntland oo ballanqaaday in ay wax ka qaban doonto dhibaatooyinka ka taagan adeegyada caafimaadka
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL October 1, |  2020—Wafti uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr Jamac Farax Xasan uuna weheliyaan wasiirka duulista Hawada iyo Garoomada,wasiirkuxigeenka deegaanka, beeraha iyo isbadalka Cimilada ayaa maanta safar shaqo ku tagay degmada Dongoroyo.

Wasiirka waxaa safarkiisa ka mid ahaa agaasimaha guud  iyo agaasimayaasha waaxyaha wasaaradda, waxaana dhamaantood ay ka qaybgalayeen dib uhawlgalinta wasaaraddu ku samaynaysay cisbitaalka degmada Dongorayo oo Mudo xirnaa.

Waftiga ayaa lagu soo dhaweeyay degmada Dongoroyo markiiba wasiirka iyo waftigiisa waxay booqdeen cisbitaalka oo wasiirka uu mid mid ugalay qaybaha uu ka koobanyahay, warbixina ka dhagaystay maamulka cisbitaalka baahiyaha jira iyo sidii loogu hawlgalin lahaa sida ugu dhakhsaha badan.

Wasiirka caafimaadka Dr Jamac Farax Xasan oo hadalka soo xiray  ayaa ugu horayn soo dhaweeyay inuu maanta ka soo qaybgalo uuna ku faraxsanyahay imaatinka in dib looga shaqeeyo dib uhawlgalinta cisbitaalka degmada, waxaa uu sidoo kale soo dhaweeyey sida bulsho iyo maamul degmo ahaan ay uga go’antahay inay kaalintooda ka qataan cisbitaalka inuu shaqeeyo lana mid noqdo kuwa kuyaala degmooyinka kale ee Puntland.

Wasiirka ayaa balan qaaday in ka wasaaradda caafimaad ahaan diyaar uyihiin inay ka shaqeeyaan sidii cisbitaalka uu uheli lahaa shaqaale dhamaystiran,qalabka iyo dawada looga baahanyahay, waxaa sidoo kale uu bulshada kula dardaarmay inay kaalintooda qataan aana ka wada shaqayno inuusan markale xirmin.

Wasiirka ayaa hadalkiisa ku soo xiray isaga oo ka ku shaqaynaya qorshihii xukuumada ee  madaxweynaha Puntland Siciid Abdulaahi Dani uu barlamaanka hor geeyay sanadkii hore ay ku jirtay in dawladiisu ka shaqayn doonto sidii dalka looga heli lahaa cisbitaalo qalabaysan.



Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post