1845 Views

Ciidanka dowladda oo la wareegay degaano ay ku sugnaayeen Al Shabaab

Ciidanka dowladda oo la wareegay degaano ay ku sugnaayeen Al Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 10, 2018 – Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la wareegay degnoo ka tirsan gobolada Shabeellaha Dhexe iyo iyo Shabeellaha Hoose, kadib hawlgal qorsheysan oo ay ku qaadeen halkaasi.

Waxaa la sheegay ciidanka hawlgalka qaaday oo ka baxay degmada Afgooye inay la wareegeen tuulada Baqdaad, Berta Aadan Seeraar iyo kontoroolka Kala-beyr, dhammaan goobahan ay la wareegeen ciidanka waxay u dhaxeeyeen gobolada Shabeelooyinka.

Dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen in ay arkeen ciidan badan oo dowladda ka tirsan, islamarkaana gaaf wareegaya degaanada ay la wareegeen iyo duleedyadooda.

Saraakiil ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa waxa ay Idaacadda Risaala u sheegeen ciidanka inta ay hawlgalkan ku guda jireen inay aysan la kulmin wax dagaal ah oo kaga yimid Al Shabaab, hadana ay si nabad ah ku joogaan degaanada ay la wareegeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa dhawaan saraakiisha ciidanka xoogga ku amray inay qaadaan dagaallo ka dhan ah Al Shabaab, si looga saaro degaanada ay ka joogaan dalka.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment