507 Views

Xubin ka tirsanaa Al-shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka .

Xubin ka tirsanaa Al-shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka .
____________________________________________________________________________

Talaado: January 11, 2022

Abshir isxaaq Xasan  oo Magaciisa Afgarashada uu yahay ( Bashiir) oo ka mid ahaa Dagaalamayasha Al-shabab ayaa isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Qeybta 60aad.

Ciidanka Xoogga oo soo bandhigay Abshir isxaaq Xasan ayaa shegay in Al-shabaab uu katirsanaa in ku dhaw 5 Sano, waxa ay sidoo kale shegeen in uu u qaabilsanaa qeeybta Jabhada, isagoona  ka qeyb qaatey dagaalo dhowr oo ka dhacay Gobolka Shabeelaha hoose sida ay shegeen.

Abshir ayaa Sheegey in Sababta ku kaliftey in uu Alshabab ka soo baxo ay tahay in uu kala kulmay handadaad iyo caga jugleey.

Wuxuna dhanka kale Saaxibadiisa ku jira Alshabab ugu baaqey in ay isaga soo taagan Al-shabab ay isku soo dhiiban Dowladda.

Maalmihii lasoo dhaafay xubnaha kasoo baxayo Al-shabaab ayna soo bandhigayeen maamulka Koonfur galbeed ayaa aad u badnaa, waxaana ugu danbeeysay saka oo ay isku dhiibeen Taliska Hay’adda Nabadaugida iyo Sirdoonka ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed sedex xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post