1029 Views

Kenya oo soo dhoweysay talaabada dowlada Somalia ku soo celisay xiriirkii labada dowladood

Kenya oo  soo dhoweysay talaabada dowlada Somalia ku soo celisay xiriirkii labada dowladood
____________________________________________________________________________

 

May 6, 2021

 Saacado  kadib Dowlada somaliya oo dib u soo celisay Xiriirka  Kenya iyo Somaliya, ayaa waxaa ka hadlay arintaas Dowlada Kenya.

Kenya ayaa  soo dhoweysay talaabada dowlada Somalia ku soo celisay xiriirkii labada dowladood o go’naa muddo dhowr bilood ah.

Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Kenya ayaa ku tilmaantay tallaabadan mid horumar ah ayna diyaar u tahay inay sii waddo xiriirka caadiga ah ee mas’uuliyiinta Soomaalida oo ay ka mid yihiin arrimaha ganacsiga, isgaarsiinta, gaadiidka, xiriirka dadka iyo is-dhaafsiga dhaqanka.

Dowlada Kenya ayaa uga mahadcelisay dowlada Qatar dadaalka ay u gashay in xiriirka labada dal uu dib u soo laabto.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post