1098 Views

Taliska Booliska Gobolka Bari oo digniin soo saaray

Taliska Booliska Gobolka Bari oo digniin soo saaray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 10, 2019 —Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari  ee Maamulka Puntland G/ Sare Xusseen Cali Maxamuud ayaa Sheegay In Askarigii lagu helo in uu ku xadgudbay xuquuqda Muwaadinka Eedeysanaha ah ee la soo xiro talaabo cad laga qaadi doono.

 

Taliyaha ayaa dhamaan saraakiisha Ciidamada faray in xuquuqdooda si dhab ah u ilaaliyaan Muwaadinka Soomaaliyeed marka la soo dacweeye iyo Marka Xabsiga uu ku Jiro oo uu eedeysanaha yahay intaba.

 

Ugu dambeyn Shacabka ku nool Magalada Bosaaso  ayuu ka Codasaday inay sida lagu yaqaan ay Marwalba xiriir Wanagsan layeeshaan Ciidamada Amniga Bosaaso si Looga Hortago Dhibaatooyinka dadka geysanaya falalka Amnidarro.

 

Hadalkan ayaa Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari  ee Maamulka Puntland G/ Sare Xusseen Cali Maxamuud waxaa uu sheegay munaasabad tababar looguf urayay Ciidan Isugu Jiray Booliska, Maxkamadaha iyo kuwa CID-da.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment