657 Views

Wasiirka Gaashaandhiga oo ka digay in Ciidanka dib uga baxaan deegaannada ay ka qabsadeen Al-shabaab

Wasiirka Gaashaandhiga oo ka digay in Ciidanka dib uga baxaan deegaannada ay ka qabsadeen Al-shabaab
____________________________________________________________________________

Arbaco: AUGUST 24, 2022

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur oo ay wehliyaan Talyaha Ciidanka Xoogga iyo mas’uuliyiin kale ayaa kormeeray deegaanka Bacda oo kamid ah goobaha ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Wasiirka oo meel fagaare ah kula hadlay Ciidanka deegaanka oo kuwa Dowladda ka caawinaya dagaalka ayaa ka digay in Ciidamada ay dib uga soo baxaan deegaannada ay kala wareegeen Al-shabaab.

“Shabaab haddii ay dib ugu soo laabtaan deegaankan, waxaa bilaasha ah dadkii inooga shahiiday, waa in aysan ku soo laaban oo deegaannada kalena laga xorreeya” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa Ciidanka faray in ay sii wadaan howlgallada oo deegaannada ay ku harsan yihiin Al-shabaab lagala wareego.

Hadalka Wasiirka ayaa ku soo aadaya, xilli howgallo ay horkacayaan Madaxda Maamulka Hirshabeelle iyo kuwa Federaalka ay ka socdaan deegaannada Gobolka Hiiraan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post