867 Views

Baarlamaanka Puntland oo kulan deg deg ah ka yeelanaya khilaaf soo baxay

Baarlamaanka Puntland oo kulan deg deg ah ka yeelanaya khilaaf soo baxay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | isniin , Feberaayo 24, 2020 —Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa la filayaa in Maanta ay kulan deg deg ah ku yeeshaan Xubnaha Golaha Wakiilada Puntland,kaas oo ay uga hadlayaan cidda noqoneysa ku-simaha madaxweynaha Puntland, maaadama Deni iyo ku xigeenkiisu ay dalka ka wada-maqan yihiin.

 

Arrintaan ayaa ka dambeysay,kadib markii Golaha Wasiirada Puntland iyo Xubnaha Baarlamaanka Maamulkaas ay isku qabsadeen cidda noqoneysa kusimaha Madaxweynaah,iyada oo haatan xilkaasi uu sii haayo Wasiirka Cadaallada Maamulka Puntland.

 

 

 

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa dhawaan sheegay in Madaxweyne Deni uu ku ciyaaray hab maamuuskii dowladnimo, kadib markii uu kusime ka dhigtay wasiirkiisa Caddaaladda,balse ay aheyd in talada lagu celiyo Guddoonka Baarlamaanka, maadaama Puntland ku dhisan tahay Parliamentary system.

 

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Garoowe ka taagnaa khilaaf xoogeystay oo ka dhashay cidda noqoneysa Kusimaha Madaxweynaha Puntland taas oo keentay in la iclaamiyo kulan deg deg ah inay ks yeeshaan Baarlamaanka Puntland go’aana kasoo saaraan cidda noqoneysa Kusimaha Madaxweynaha Puntland.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment