1185 Views

Dad ku dhintay daadad ku rogmaday Magaalada Khardho

____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 27-2020–Roob xoogan oo saacadihii la soo dhaafay ka da’ayay Magaalada Khardho oo ka tirsan Gobolka ay Puntland u taqaano Karkaar iyo deegaannada hoostaga ayaa waxaa uu sababay in daadad xoog badan ay kusoo rogmadaan Gudaha Magaalada Khardho.
Biyo farabadan ayaa lagu soo waramayaa inay buux dhaafiyeen xaafadaha kala duwan Magalada Khardho,kuwaas oo burburiyey Guryo ay sugnaayeen dad rayid ah,sidoo kalena uu baabi’iyey Goobo Ganacsi,waxaana sidoo kale jira dad ku dhintay daadadkaas.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Puntland ay u taqaano Karkaar Gaashaanle Dhexe Cabdi Caseyr Yuusuf ayaa sheegay in ilaa iyo hadda ay xaqiijiyeen in daadadka ay ku dhinteen Saddex Ruux,balse dhimashada ay intaasi ka badan karto maadaama weli dad maqan baadi goob lagu haayo.
Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in dad farabadan la soo badbaadiyey Ciidamada Booliska Gobolkana aty wadaan gurmad kala duwan oo laga soo badbaadinayo xaafadaha qaar ee Magaalada Khardho oo ay ku go’doonsan yihiin.
Maamulka gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay wadaan gurmad ballaaran,hayeeshee ay u baahan yihiin in la caawiyo maadaama daadadka ay yihiin kuwo xoogan.
Wararkii ugu dambeeyey ee saaka aan ka heleyno Magaalada Khardho ayaa waxaa ay sheegayaan in inta badan Xaafadaha Magaalada ay daadadka sameeyeen,isla markaana dadka qaarkood la badbaadiyey halka kuwo kale xaafadaha qaar ku Go’doonsan yihiin.
Roob xoogan oo saacadihii la soo dhaafay ka da’ayay Magaalada Khardho oo ka tirsan Gobolka ay Puntland u taqaano Karkaar iyo deegaannada hoostaga ayaa waxaa uu sababay in daadad xoog badan ay kusoo rogmadaan Gudaha Magaalada Khardho.

Biyo farabadan ayaa lagu soo waramayaa inay buux dhaafiyeen xaafadaha kala duwan Magalada Khardho,kuwaas oo burburiyey Guryo ay sugnaayeen dad rayid ah,sidoo kalena uu baabi’iyey Goobo Ganacsi,waxaana sidoo kale jira dad ku dhintay daadadkaas.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Puntland ay u taqaano Karkaar Gaashaanle Dhexe Cabdi Caseyr Yuusuf ayaa sheegay in ilaa iyo hadda ay xaqiijiyeen in daadadka ay ku dhinteen Saddex Ruux,balse dhimashada ay intaasi ka badan karto maadaama weli dad maqan baadi goob lagu haayo.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in dad farabadan la soo badbaadiyey Ciidamada Booliska Gobolkana aty wadaan gurmad kala duwan oo laga soo badbaadinayo xaafadaha qaar ee Magaalada Khardho oo ay ku go’doonsan yihiin.

Maamulka gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay wadaan gurmad ballaaran,hayeeshee ay u baahan yihiin in la caawiyo maadaama daadadka ay yihiin kuwo xoogan.

Wararkii ugu dambeeyey ee saaka aan ka heleyno Magaalada Khardho ayaa waxaa ay sheegayaan in inta badan Xaafadaha Magaalada ay daadadka sameeyeen,isla markaana dadka qaarkood la badbaadiyey halka kuwo kale xaafadaha qaar ku Go’doonsan yihiin.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment