591 Views

Dowladda Switzerland oo mamnuucdey xayeeysiinta Sigaarka

Dowladda Switzerland oo mamnuucdey xayeeysiinta Sigaarka
____________________________________________________________________________

axad: February 13, 2022

 Codbixiyeyaasha dalka Switzerland, ayaa taageerey mamnuucista xayeeysiinta Tubaakada, meel kasta oo ay indhaha dhalinyaradu qaban karayaan.

Dhaqan ahaan, codka Haa ee aftida dalka oo dhan, waxey horseedi doontaa mamnuucis buuxda.

Tallaabadan ayaa Switzerland ka dhigi doonta mid la jaan qaadi karta dalalka dariska la ah ee Yurub, kuwaasoo intooda badan qaatey sharciyo adag oo ku saabsan xayeeysiinta tubaakada sanado kahor.

Inkastoo uu dalkani leeyahay jawi caafimaad qaba oo dhanka deegaanka ah, dadkana soo dhoweeya, ayaa haddana Switzerland waxey leedahay sharciyada ugu dabacsan marka ay timaado xakameynta Tubaakada ee qaaradda Yurub.

Muddo dheer kadib, sigaar ku cabista baararka iyo makhaayadaha, ayaa laga mamnuucey dalalka Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalka, halka Swiss-kana ay usii seeta dheereeyeen.

Dukaamada waa weyn waxaa si joogta ah ula xiriiraya dumar da yar oo dhoola cadeynaya, iyagoo siinaya muunado bilaash ah, oo ah summadda sigaarka ee ugu dambeysay.

Iyadoo waxyalahas la mamnuucey dhawr sano kahor, xayeeysiinta tubaakada ayaa harsaneyd.

Iyaga oo ammaanaya natiijadii Axadda, xubin katirsan xisbiga Social Democrat ee baarlamaanka, Flavia Wasserfallen, ayaa ammaantey ururada dhakhaatiirta, iyo macalimiinta ee u ololeeyey mamnuucista.

“Dadku runtii aad bay uga shaqeeyeen siyaasad qalbiga dhalinyarada dageysa,” ayey u sheegtay television-ka Swiss-ka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post