687 Views

Madaxda Maamul Goboleedyada loolan adag ka wada Muqdisho (Warbixin)

Madaxda Maamul Goboleedyada loolan adag ka wada Muqdisho (Warbixin)
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 21 2020
—Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada ee ku sugan magaalada muqdisho ayaa waxaa ay dadaal farabadan ugu jiraan sidii loo dhaqan gelin lahaa heshiiskii doorashada oo ay dhawaan la gaareen Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Kadib heshiiska ayaa la filayay in Madaxda Dowlad goboleedyada, Galmudug, Hir-Shabeelle, Jubbaland, Puntland & Konfur Galbeed in ay dib ugu laabtaan degaannadooda, hayeeshee taasi ay wax iska bedeleen, kadib markii Madaxda Dowlad Goboleedyada ay bilaabeen olole lagu dhaqan gelinayo hehsiiskii doorashada.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo dadaalka ugu adag ku jira ayaa la kulmay xildhibaannada labada Aqal ku matala Dowladda federaalka, qaar kamid ah Madaxda Xisbiyada mucaaradka iyo Urrurada Bulshada rayidka, iyaga oo kala hadlay Arrimaha doorashoyinka dalka iyo sida loo dhaqan gelin karo heshiiska doorasho maadama waqtiga uu aad u yar yahay.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo u muuqday mid ka hortagaya in Golaha Shacabka ay iskhor-istaag ku sameeyaan qodobada heshiiska ayaa sheegay in go’aanka doorashada ay gaareen uu yahay kaliya heshiis balse uusan aheyn xeer sidaasi daraadeedna uusan muhiim u aheyn in la horgeeyo Xildhibaannada Baarlamaanka.

Ka sokow dadaalka ay wadaan Madaxda Dowlad goboleedyada ee dhaqan gelinta heshiiskii doorashada ayaa hadana Falanqeeye siyaasadeed Maxamed Macalin waxaa uu qabaa in inta badan qodobada lagu heshiiyay ay ahaayeen kuwo dan gaar ah ugu jirto Madaxda Dowlad goboleedyada, isla markaana awoodooda siyaasadeed ay ka dhex muuqato.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo kamid ah Xubnaha mucaaradka ayaa kula taliyay in Madaxda Dowlad goboleedyada aysan muqdisho ka tegin ilaa laga bilaabo dhaqan gelinta heshiiska, balse goorhore ay sii qorsheynsteen dadaal u gelida fulinta heshiiska.

Ra’iisul Wasaaraga Magacaaban hadii uu helo kalsoonida Baarlamaanka ayaa Xukuumadda uu soo Magacabi doono waxaa laga sugayaa dhaqan gelinta iyo fulinta heshiiska doorashada oo ay wada gaareen Madaxweyne farmaajo, madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir maadama uu gegab-gabo yahay mudada xilheynta Hay’adaha kala duwan ee Dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post