861 Views

Dil goor dhawayd ka dhacay Degmada Jalalaqsi gobolka Hiiraan

Dil goor dhawayd ka dhacay Degmada Jalalaqsi gobolka Hiiraan
____________________________________________________________________________

khamiis: October 21, 2021

 Wararka aan ka heleyno degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas goordhaweyd lagu dilay Wiil dhalinyaro oo kamid ahaa dadka deegaanka degmadaas Jalalaqsi.

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in koox hubeysan oo watay Bastoolad ay dileen Wiilka dhalinyarada ahaa oo lagu magacaabo abdulle Maxamed Maxamuud, xili uu ku sugnaa bartamaha Magaalada, wuxuuna u geeriyooday rasaas ka haleeshay qeybaha sare ee Jirka.

Magaca Wiilka la dilay ayaa dad yaqaanay waxaa ay ku sheegeen Cabdulle Maxamed Maxamuud oo kamid ahaa dadka deegaanka degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, isla markaana muddo sannado ah uu la shaqeynayay Hay’addo Samafal.

Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka degmada iyo qaar kamid ah qoyska Marxuumka ayaa daqiiqado kadib goobta falka ka dhacay ka qaaday Meydka Marxuumka, waxaana goobta ka baxsaday raggii ka dambeeyay falkaas dhacay.

majiraan wax war ah oo kasoo baxay Maamulka degmada Jalalaqsi iyo laamanaha Amaanka oo ay uga hadlayaan dilkaas dhacay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post