963 Views

Dowladda Soomaaliya oo jawaabtay joojinta ay Kenya joojisay Diyaaradaha ka imaada Muqdisho

Dowladda Soomaaliya oo jawaabtay joojinta ay Kenya joojisay Diyaaradaha ka imaada Muqdisho
____________________________________________________________________________

.

.

May 11,  2021

Dowladda Soomaaliya ayaa arrin la yaab leh ku tilmaantay go’aanka ay Kenya ku joojisay duulimaadyada labada dal u kala goosha.

Xukuumadda Nairobi oo aan wax sabab ah shaacin ay sheegtay in laga billaabo maanta illaa bisha sideedaad ee sanadkan ay hakinayso duulimaadyada ka yimaada ama aada Soomaaliya.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya, Duraan Axmed Faarax ayaa BBC u sheegay in aysan waxbo kala socon go’aanka Kenya ay ku hakisay duulimaadyada isla markaana aanay fahmi karin.

“Runtii arrin la yaab leh ayay inoola muuqataa, wax la fahmi karana ma aha iyadoo hadda laisla lahaa dowladda Soomaaliya rabtay in lasoo celiyo heshiiskii labada dal..labo maalmood ka bacdi in Kenya ay qaadato go’aan noocan ah waa arrin aanan fahmeyn waxa ka dambeeyana aanan garan karin”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post