1041 Views

laamaha Amniga oo howlgal ku burburiyay waxyaabaha Maanka dooriya

laamaha Amniga oo howlgal ku burburiyay waxyaabaha Maanka dooriya
____________________________________________________________________________

Muqisho |QOLIArbaco : December 15, 2021—Ciidamadda Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa howlgal agu burburiyey waxyaabaha Maanka dooriya sidda khamrigga iyo Xashiiska ka sameeyay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir.

Howlgalka oo uu horkacayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa laga sameeyay Goobo ku yaalla Isgoyska Fagax ee Magaalada Muqdisho, waxaana lagu burburiyay Goobo dhowr ah waxyaabihii laga soo qabtana lagu Gubay meel fagaaro ah.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir  Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in howlgalka lagu soo qabtay laba tan oo isugu jira Xashiis iyo Khamri, kuwaas oo laga Ganacsanayay.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in howlgalka uu ahaa mid maalmahaan ka socday degmooyinka Gobolka Banaadir, isla markaana looga hortagayo dadka ka Ganacsanaya iyo kuwabisticmaalaya maandooriyaha oo ka qeyb qaata falalka amni darro ee ka dhaca Muqdisho.

Howlgalkan laga sameeyay Maanta qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhawaan lagu go’aamiyay kulan ka dhacay degmada Kaaraan kadib markii ay kusoo bateen Kooxo burcad ah oo dadka dhacaya.

Xafiiska Qaranimo Online |Mogdishu

_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post