771 Views

Goobaha ganacsiga Dalka Afghanistan oo dib loo furay

Goobaha ganacsiga Dalka Afghanistan oo  dib loo furay
____________________________________________________________________________


khamiis: August 19, 2021

Goobaha ganacsiga qaar ka mid ah ayaa la furay, dadkana waxay billaabeen in ay suuqa adeeg u doontaan, magaalada Mazar-i-Sharif, oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn dhanka dhaqaalaha ee Afghanistan.

Waa magaalo ay ku badan yihiin qowmiyadaha ugu yar dalkaas sida Hazaras iyo Uzbeks – Ururka Taliban ayaa magaaladaas bartilmaameedsaday markii xukunka ay hayeen, 1996 illaa 1999.

Balse, markan waxay kooxda sheegtay in aysan jiri doonin rabsho ama dhibaato ka dhan ah qowmiyad – dadka magaalada kuma aysan qancin hadalkaas.

Nasim Javid, oo xaaladda halkaas ka jirtay BBC uga sheekeynayay tan iyo Axaddii, wuxuu sheegayaa in qof kasta uu iskadhigayo mid caadi ah.

“Balse ma jiro wax caadi ah. Cabsida waxaan ka dareemayaa lafaha, markaan bannaanka u baxo. Taliban ayaa meel kasta ku sugan,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in dagaalyahannada Taliban aysan weli gudaha u galin xaafadaha iyo guryaha dadka, waxayna isku deyayaan in hoggaamiyeyaasha bulshada ay la shaqeeyaan, si ay u muujiyaan badqabka dadka.

Balse, cabsida meel kasta ayaa laga dareemayaa, ayuu yiri. “Dumarka ma doonayaan in ay bannaanka u baxaan keligood, TV-ga deegaankana wuu joojiyay heesaha iyo aflaanta”, ayuu yiri.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post