1800 Views

Minka daanyeer oo lagu beeray unugyada bani’aamka oo lagu sameeyay sheybaar.

Minka daanyeer oo lagu beeray unugyada bani’aamka oo  lagu sameeyay sheybaar.
____________________________________________________________________________

April 16-4-2021

Minka daanyeer oo lagu beeray unugyada bani’aamka ayaa lagu sameeyay sheybaar, sida ay xaqiijisay daraasad la sameeyay.

Baaritaanka, oo ay sameeyeen koox Mareykanka iyo Shiinaha ka socota, ayaa dhalisay dood dhanka anshaxa ah.

Saynisyahannada ayaa unugyada bani’aadamka – oo awood u leh inay noqdaan dhowr xiidmaha jirka ah oo kala duwan – ku beeray minka.

Koritaanka unugyadaas ee gudaha minka ayaa la daraaseynayay muddo 20 maalmood ah.

Hore waxaa unugyada bani’aadamka loogu beeray minka idaha iyo doofaarka.

Saynisyahannada waxaa horkacayay Prof Juan Carlos Izpisua Belmonte oo ka tirsan Machadka Salk oo ku yaalla Mareykanka.

Daraasaddooda ayaa waddada u xaari karta wax ka qabashada gabaabsiga xubnaha dadka lagu beero iyadoo sidoo kalena ka qeyb qaadan karta in wax badan laga fahmo koboca hore ee bani’aadamka, qaadidda cudurka iyo gabowga, ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in daraasadda, oo lagu daabacay joornaalka Cell, ay soo martay hannaanka anshaxa iyo sharciga.

“Xaqiiqdii, waxaan daraasadahan u sameynay s loo fahmo loona horumariyo caafimaadka bani’aadamka,” ayuu yiri.

‘Caqabadaha anshaxa’

Saynisyahannada qaar, ayaa si kataba, walaac ka muujiyay tijaabada, iyagoo ku dooday in iyadoo daraasaddan ay socotay 20 maalmood, ay saynisyahanno kale hore u sii wadi karaan.

Waxay ku baaqayaan in dood laga yeesho waxa ka dhalan kara in qeyb ka mid ah bani’aadamka lagu beero min uusan bani’aadamku lahayn.

Iyadoo ka fal celineysay daraasadda, ayay Dr Anna Smajdor, oo bare jaamacadeed iyo baare ka ah Jaamacadda East Anglia’s Norwich Medical School, sheegtay inay sababeyso “caqabado dhanka anshaxa iyo sharciga ah”.

Waxay intaas ku dartay: “Saynisyahannada ka dambeeya baaritaankan waxay sheegeen inuu abuurayo fursado cusub, sababtoo ah ‘ma awoodno inaan tijaabooyinka noocan oo kale ah ku sameyno bani’aadamka’. Balse haddii ay kuwa lagu beeray yihiin bani’aadam iyo haddii uusan ahaynba waa mid ay su’aal ka furan tahay.”

Prof Julian Savulescu, oo agaasime ka ah Xarunta Oxford Uehiro ee Anshaxa kana tirsan Xarunta Anshaxa iyo Bani’aadannimada ee Wellcome, University of Oxford, ayaa sheegay in baaritaanka uu dood furayo.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post