702 Views

Ciidamada Maraykanka oo Xalay Gobolka Jubbada dhexe ka fuliyay Duqaymo

Ciidamada Maraykanka  oo Xalay Gobolka Jubbada dhexe ka fuliyay Duqaymo
____________________________________________________________________________

Khamiis 11 /2/ 2021

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada dhexe ayaa ku warramaya in Duqeymo diyaaradeed laga fuliyay qaybo ka mid ah Gobolkaasi, waxaana kasoo baxaya warar dheeraad ah oo ku aaddan duqeyntaasi.

Ilaa afar duqeymood ayaa lagu soo warramayaa in ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka oo kaashanaya Ciidanka Dowladda Soomaaliya, waxaana si gaar ah duqeymahaasi ay kaga dhaceen degmada Saakoow iyo deegaanka Salagle ee Gobolka Jubada Dhexe, warar hoose oo soo baxaya ayaa ku warramaya in duqeyntaasi lagu beegsaday  Xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab.

Dad goob joogayaal ah ayaa soo wariyay in ay maqlayeen jug xooggan oo ay fuliyeen diyaradaha Mareykanka, waxaana weerarka oo xalay xilii dambe dhacay fuliyay sida la sheegay  Ciidanka Dowladda Soomaaliya ee Danab iyo Taliska Africom ee Ciidamada Mareykanka u qaabilsan Africa, iyadoo Saraakiil ka tirsan Dowladda ay sheegeen in ay khasaaro gaarsiiyeen dagalamayaasha Al-Shabaab ee ay bar-tilmaameedsadeen.

Sidoo kale wararku waxaa ay intaa ku darayaan in la bur-buriyay goobo Al-shabaab ay ku farsameyn jireen Qaraxyada, balse ma jirto cid ka Madax-bannaan saraakiisha Dowladda oo xaqiijisay in la bur-buriyay goobahaasi.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post