2220 Views

AMISOM Oo Warka Soosaaray Dilkii ay u Geysteen Askari ka tirsan NISA

AMISOM Oo Warka Soosaaray  Dilkii ay u Geysteen Askari ka tirsan NISA
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 25, February 2018 — Taliska Ciidamada AMISOM ayaa war kasoo saaray dilkii habeen hore ay Magaalada Muqdisho ugu geystay Askari ka tirsanaa ciidamada Hay’adda Nabad Suggida Soomaaliya oo ku sugnaa Barkontorool.

Falka dilka ah ayaa waxaa geystay ciidamada dowladda Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Gen Paul Lokech oo ah Taliyaha ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya ayaa sheegay in falka dilka ah uu dhacay markii ay loo diiday in maraan wadada, islamarkaana ay waceen taliyeyaasha Hay’adda Nabad suggida ee halkaasi heystay.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Shilka uu dhacay Markii ay xabadda bilaabeen ciidamo ka tirsan Nabad Suggidda Soomaaliya ee ku sugan Kontoroolka ay doonaayeen in ay Maraan, laakiin halkaasi uu ka dhashay Khasaare.

Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in israsaaseyn dhexmartay labada ciidan ay ku dhaawacmeen dad Shacab ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment