882 Views

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo war-Saxaafadeed soo saaray

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo war-Saxaafadeed soo saaray
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL | August-27-2020
-Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa War-murtiyeed ka soo saaray Shirkii Garoowe uga socday maalmihii la soo dhaafay,waxaana ay sheegeen in Wada hadal doorashada ku saabsan la galayaan Madaxda Federaalka,isla markaana ay muqdisho u safri doonaan.

War-Saxaafadeedka ayay labada Madaxweyne ku sheegeen in intii ay shirarka uga socdeen Magaalada Garoowe ay wada-hadallo dhinaca taleefoonka ah yeesheen Madaxda Dowladda Federaalka & Dowlad Goboleedyada, isla markaana ay ka wada hadleen sidii xal looga gaari lahaa Arrimaha siyaasadeed ee dalka.

Waxaa ay sheegeen in shir wadatashi ah ay Magaalada Muqdisho ku yeelan doonaan Madaxda Dowladda Federaalka & Dowladaha Xubnaha ka ah si looga wadatashada xalka gaarista arrimaha la xiriira doorashooyinka Soomaaliya.

Ugu dambeyn Madaxda Maamulada Puntland iyo Jubbaland waxaa ay ugu baaqeen Shacabka Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho, lana ilaaliyo wadajirka, Amniga iyo xasiloonida dalka, iyaga oo u mahad celiyay Xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post