687 Views

Dad ku geeriyooday Qarax ka dhacay Dalka Belgium

Dad ku geeriyooday Qarax ka dhacay Dalka Belgium
____________________________________________________________________________

Sabti: January 1, 2022

Inta la shaaciyay Saddex qof ayaa ku dhintay Qarax  xooggan oo ka dhacay xalay magaalada Turn Haut ee waqooyiga dalka Belgium.

Duqa magaalada Turn Haut, Paul van Mert,  oo la hadlay wakaaladda wararka Belgian ee “Belga” ayaa sheegay in goobta uu Qaraxa ka dhacay oo aad u burbutay ay ku geeriyodeen Sedax Ruux, sidokalana ay ku dhaawacmeen dad intaas ka badan.

Mr Van ayaa sheegay in dadka la soo badbaadiyay loo qaaday isbitaalada si loo baxnaaniyo, isaga oo sidokale xusay in burbur xooggan uu soo gaaray dhismaha uu qaraxa ka dhacay.

Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa muujinaya in qeybo ka mid ah dhismaha gaar ahaan qeybta sare ee dhismahan oo ka kooban afar dabaq oo aad u burbursan.

Ilaa iyo hadda lama hayo xog ku saabsan qaraxan, balse waxaan la tuhunsanyahay inuu ahaa mid ka dhashay qarax gaas.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post