861 Views

Saxiixaha iyo Musharaxiinta kursiga HOP#067 ee loo dhacay Yaasiin Farey oo ka hor yimid muddo kordhinta.

Saxiixaha iyo Musharaxiinta kursiga HOP#067 ee loo dhacay Yaasiin Farey oo ka hor yimid muddo kordhinta.
____________________________________________________________________________

Talaado: December 7, 2021

Waxaa goor dhaw saxaafada la hadlay Saxiixaha iyo Musharaxiinta kursiga HOP#067, waxayna si adag uga horyimid muddo kordhinta uu guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ku sameeyay baaristii ay ku wadeen dacwadii ay u gudbiyeen.

kursiga loo dhay Yaasiin Farey ayay sheegeen uu Guddiga doorashada ee Galmudug maalmo ka hor, ayaa gudiga xalinta Qilaafaadka sheegeen in baaritaanka la dhameestiri doono muddo aan ka badneyn 10 maalmood oo ka bilaabanaysa 05/12/2021-ka, sida uu sheegay guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka.

Sidoo kale Saxiixaha iyo Musharaxiinta hore u gudbiyay dacwada ayaa sheegay inay u gudbiyeen guddiga cadeymo dhameystiran oo lagu go’aan qaadan karo, islamarkaana aysan aqbali doonin cadaalad.

Nabaddoon Cali Jeesto oo ah saxiixaha rasmiga ah ee kursiga HOP#067 oo ka hadlay shirka jaraa’id ayaa wacad ku maray in sharci darro aan looga qaadi doonin kursigaas, oo laga leexday habraaciisa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post