3348 Views

“Ma garanayo sida doorashada sanadkan ajaaniib ugu lug yeelan karaan”

“Ma garanayo sida doorashada sanadkan ajaaniib ugu lug yeelan karaan”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 05, 2016: Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya , ayaa ka hadlay doorashada sanadkaan ka dhaceyso dalka Soomaaliya iyo dib u dhacyada badan ee doorashada ku yimid.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galayay barnaamij ka baxayay TV-ga Somali Cable ayaa si cad u sheegay in doorashada sanadkaan aysan wax raad ah ku lahaan doonin dad ajaaniib.

Madaxweynaha, wuxuu sheegay inuusan garaneyn sida dad ajaaniib ah doorashada sanadkaan ugu lug yeelan karaan, maadaama dadka wax soo dooranaya ay yihiin 51 ruux oo Soomaaliyeed oo soo dooranaya xildhibaanka matalaya ayaga.

“Doorashada Soomaaliya waxa ay ka timid markii hal qof uu go’aanka yaa Xildhibaan noqonaya lahaa waa ay ka timid 51 qof oo reer Hebel ah oo jufo hebel ah oo Degmo hebel ka yimid, magaranaayo aniga dad Ajnabi ah sida ay raad ugu yeelan karaan “ ayuu yiri Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Asaga oo ka hadlayay safarkii madaxda maamul goboleedyada ku tageen isku taga imaaraadka carabta ayuu sheegay in ujeeda safarkaasi uu ahaa casuumaad laga helay dowlada Dubai, loogana hadlayay dagaaladii ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug iyo sida loo joojin lahaa.

Madaxweyne Xasan, ayaa sheegay in doorashada sanadkaan dhaceyso waqtiga lagu balamay, islamarkaana doorashooyinka aqalka Hoose todobaadkaan ka dhacayaan magaaloyinka caasimadaha ah ee gobollada.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment