906 Views

Taliyaha Ciidanka Nabadsugida Dhuusamareeb oo goor dhawayd ku dhintay qarax lala eegtay duleedka magaalada Dhuusamareeb.

Taliyaha Ciidanka Nabadsugida  Dhuusamareeb oo goor dhawayd ku dhintay qarax lala eegtay duleedka magaalada Dhuusamareeb.
____________________________________________________________________________

Axad February 7, 2021

Taliyaha Ciidanka Nabadsugida Magaalada Dhuusamareeb ee Maamulka Galmudug C/rashiid Cabdi Nuur Shiiqdoon ayaa ku dhintey qarax lala eegtay gaari uu saarnaa duleedka magaalada Dhuusamareeb.

Taliyihii Ciidanka NISA ee Dhuusamareeb iyo ilaaladiisa ayaa marayay meel ku dhow deegaanka Ceeldheere oo 30-KM u jirta magaalada Dhuusamareeb.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in illaa 14 ruux oo ciidamo ah ay ku dhinteen qaraxan oo ahaa mid aad u xooganaa lagana maqlay deegaano badan oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Wararkii u dambeeyay ee ka imanaya deegaanka Ceel Dheere ayaa sheegaya in uu ka socdo dagaal u dhexeeya ciidamada dowlada iyo kuwa Alshabaab.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post