237 Views

Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisal wasaaraha oo ka hadlay xaaladda amniga dalka gaar ahaan howlgalada iyo duulaanka ka dhanka Al-shabaab

Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisal wasaaraha oo  ka hadlay xaaladda amniga dalka  gaar ahaan howlgalada iyo duulaanka ka dhanka  Al-shabaab
____________________________________________________________________________

 

Sabti: SEPTEMBER 24, 2022

Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda amniga dalka, gaar ahaan howlgalada iyo duulaanka ka dhanka maleeshiyada Al-shabaab ee ka socda gobolada Galgaduud iyo Hiiraan.

Wuxuu sheegay in xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ay xoogeeda isugu geysay in cadowga laga sifeeyo guud ahaan dalka, lana dhiiri-geliyo kacdoonka shacabka soomaaliyeed ee lagula dagaalamaya argagixisada Al-shabaab.

“Kacdoonka iyo jiheynta ay bilowday xukuumadda ayay ku timid in ay shacabka aqbalaan oo ay iska dhiciyaan argagixisada baneysatay dhiigooda,” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiiru dowlaha ayaa tilmaamay in awooddii Al-shabaab ay wiiqantay, islamarkaana ciidamada iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ay ku daba jiraan haraadiga maleeshiyada iyo horjoogayaashooda oo ka firxaday furimaha hore ee dagaalka, deegaano badana laga saaray.

Howlgaladii ugu dambeeyay ee laga sameeyay gobolada Hiiraada iyo Galgaduud ayaa guulo wax ku ool ah laga gaaray, iyadoo deegaano kale oo dalka ka tirsan ay ka socdaan abaabul iyo isku tashi ciidanka iyo dadweynaha ay sameeyaan, kuwaas oo lagu doonayo in lagu soo afjaryo kooxaha argagixisada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post