252 Views

Madaxweyne Qoor Qoor oo Gaaray Hobyo iyo Ciidmada Galmudug Xili Ciidamada Galmudug ay la waregtay Xaradhere.

Madaxweyne Qoor Qoor oo Gaaray Hobyo iyo Ciidmada Galmudug Xili Ciidamada Galmudug  ay la waregtay Xaradhere.
____________________________________________________________________________

Isniin: January 16, 2023

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhiga XFS mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa saakay soo gaaray Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Ujeedada safarka Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ku aaddan dardargelinta howlgalada dib u xoreynta ah ee ka socda deegaanada Galmudug.

Madaxweynaha iyo wafidigiisa ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Xarunta Degmada Hobyo, halkaas oo uu kulan kula qaatay saraakiisha ciidamada qalabka sida, gudoonka gobolka, maamulka degmada iyo masuuliyiin kale.

Qoor Qoor ayaana Amray in Hada la Dhaqaaqo oo aan Lasii joogin Hobyo Madax iyo Ciidanba ay u Dhaqaaqaan Degmada Xarardheere.

Sidoo kale Ciidamada Huwanta Beesha Sacad iyo kuwa xoogga Dalka ayaa Saakay si buuxda ula wareegay degaanka Faax ee hoos yimaada Degmada Xarar-dheere ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Howlgalkaan ayaa waxaa sidoo kale Goordhow ku biiri doona Ciidamo ka socda Beelaha Saruur iyo Saleemaan oo qeyb ka noqonaya Howlgalka xoreynt degmada Xarar-dheere.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post