519 Views

Warar kala duwan oo saraakiil Ukraine u dhashay ka soo xiganaya in ciadamo ay ka imaanayaan dalka deriska ay yihiin ee Belarus

Warar kala duwan oo saraakiil Ukraine u dhashay ka soo xiganaya in ciadamo ay ka imaanayaan dalka deriska ay yihiin ee Belarus
____________________________________________________________________________


khamiis: February 24, 2022

Warar kala duwan ayaa saraakiil Ukraine u dhashay ka soo xiganaya in cidiamo ay ka imaanayaan dalka deriska ay yihiin ee Belarus kuwaas oo qeyb ka ah weerarka Ruushka, taas oo micnaheedu yahay in sidoo kale uu dagaalku ka socdo waqooyiga Ukraine.

Belarus ayaa muddo dheer xulafo la ahayd Ruushka. Falanqeeyeyaasha ayaa dalkaasi yar ku tilmaamay inuu yahay “dalka macmiilka” ee Ruushka.

Arrintan ayaa ka dhigan in weerarrada Ruushka ay ka socdaan bariga iyo waqooyiga Ukraine, iyadoo ciidamada Ruushkana ay dhaqdhaqaaq ka wadaan koofurta.

Qiimeyn ay 10 maalmood kahor sameeyeen sirdoonka reer galbeedka, ayaa lagu sheegay in si Ruushku uu weerar guuleysta ugu qaado waqooyiga Kyiv oo ah halka ay ku xooggan yihiin militariga Ukraine, iyo koofurta oo uu ku wajaho Donbas ay u baahnaan doonto inuu dhan walba ka hareereeyo.

Haatanna caddeymuhu waxay muujinayaan in weerarku ka imaanayo dhan walba.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post