849 Views

Hey’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa $100,000 ugu deeqday dadkii ku hanti belay dabkii ka kacay suuqa isgooyska Banaadir.

Hey’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa $100,000 ugu deeqday dadkii ku hanti belay dabkii ka kacay suuqa isgooyska Banaadir.
____________________________________________________________________________


Isniin: June 6, 2022

Gudiga iyo Culimada Masjidka Abii Hurayra ee Suuqa Weyn ee Bakaaraha ayaa Bilaabay ugurmashada dadkii hantidooda ay ku bur burtay Dabkii ka kacay Suuqa Banaadir kaasi oo baabi’iyay Ganacsi aad u fara badan.

Culimada ayaa ganacsatada Soomaaliyeed iyo sharkadaha waxa ay la wadaageen khasaaraha baaxada leh ee ka dhashay dabkaasi oo hantidii ku baaba’day lagu qiyaasay ku dhawaad 9milyan oo Doolarka Mareekanka.

Sh Axmed maxamuud Maxaked Yare Gudoomiyaha Gudiga Iyo Culimada Masjidka Abii Hureyra oo ugu Horeen ka hadlay Barnaamijkan dhaqaalaha loogu aruurinayo ganacsatada ayaa ugu baaqay dhamaan shirkadaha ganacsiga iyo ganacsatada in ay ka qeyb qaataan.

Qaar kamid ah culamaau’diinka soomaaliyeed ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo inta ilaahey wax siiyay inay ka qeyb qaataan iyagoona Shirkada Hormuud Telecom ugu duceeyay in xoolohooda ilaahey u barakeeyo.

Hay’ada Hormuud Salaam Foundation ayaa lacag gaaraysa $100,000 oo Doolarka Mareekanka waxa ay ugu deeqday Ganacsatadii Hantidooda ay ku baabaday dabkii Suuqa Banaadir. Cabdiraxmaan ibraahim Cilmi Gudoomiye ku Xigeenka Hay’ada Hormuud Salam Foundation oo faafahin kabixinayay lacagtan ayaa sheegay in ay qeyb ka tahay barnaamijyada Hay’ada Hormuud Salaam Foundation ay ku Caawinayso dadka Soomaaliyeed oo ay lasoo gudboonaadaan Xaaldaha Adag.

Hay’ada Hormuud Salaam Foundation ayaa door weyn la qaadata howlaha ugurmashada dadka Ubaahan in la garb istaago iyada oo lagu xasuusto kaalinta ay ka qaadatay Abaaraha Baahsan ee isu daba Maray Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post