1131 Views

Siciid Deni oo si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho

Siciid  Deni  oo si diiran loogu soo dhaweeyay  magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Sabti: 26 2021

Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Siciid Deni iyo wafdiga la socday waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyey Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, Xildhibaano, saraakiil iyo masuuliyiin kale oo dowlada ka tirsan.

Madaxweynaha ayaa Muqdisho kaga qeyb galaya Shirka wadatashi ee looga hadlayo dardar gelinta arrimaha doorashadda kaas oo uu icilaamiyey Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Magaalada Muqdisho waxaa horey usoo gaaray Madaxda maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, waxaa iyana saacadaha soo aadan la filayaa in Muqdisho soo gaaraan madaxda maamulada Hirshabelle iyo Galmudug.

https://8731187827fb85201ab4c8c64763f4eb.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html Shirka Ra’isulwasaare Rooble iyo Madaxda Maamul Goboleedyada uga furmayo Muqdisho ayaa inta badan waxaa looga hadli doonaa hanaanka doorashada iyo qaabka loo wajahaayo kadib markii ay madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka ay ka gaareen heshiis rasmi ah.

Sida ay Caasimadda Online ogaatay, shirka ayaa la laga yaabaa in wax looga beddelo qaar ka mid qodobadii lagu heshiiyey 27-ka May, inkasta oo ay taasi ku xirnaan doonto sida ay madaxda iskula ogaaldaan, waxaana qodobadaas ka mid ah:

1- Jadwalka doorashada: Waxaa la filayaa in lasoo saaro jadwal doorasho oo cusub, maadaama ay caddahay inuusan hirgeli karin jadwalkii hore oo dhigayey in doorashada ay ku dhacdo 60 maalmood gudahood, oo kasoo billaabaneysa 27-ka May. Waxaa hadda baxday 30 ka mid ah, ayada oo aanay dhicin wax la taaban karo, marka laga reebo magacaabista guddiyada doorashada.

2- Tirada ergooyinka: Waxaa socda dadaallo la doonayo in tirada ergooyinka dooranaya xildhibaanada oo lagu soo kobo 61, halka ay markii hore lagu heshiiyey 101, si loo fududeeyo in doorashada ay ugu dhacdo sida ugu dhaqsiyaha badan, loona yareeyo qarashka ku baxaya.

3- Deegaan doorashada: Qodobada in wax laga badalo laga yaabo waxaa kamid ah goobaha la dhigayo kuraasta oo la filayo in laga dhigo hal goob halka markii hore lagu heshiiyey in laga dhigo laba magaalo halkii maamulba. Qodobkan ayaa waxaa u ololeynaya Axmed Madoobe iyo Cali Guudlaawe oo doonaya in kuraasta HirShabelle iyo Jubaland kaliya la dhigo Jowhar iyo Kismaayo. Labadan Madaxweyne oo ay dantu isku qorshe ka dhigtay ayaa maamulladooda laga taageersaneyn Hiiraan iyo Gedo, waxaana diidan beelaha qaar ee goballadaas, iyadoo sidoo kale ay goballadaasi ka jiraan awood ciidan oo ka soo horjeeda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post