552 Views

Puntland oo howlgalo Culus ka sameeyay Degaano hoos taga Bari, iyo Sanaag

Puntland oo howlgalo Culus ka sameeyay Degaano hoos taga Bari, iyo Sanaag
____________________________________________________________________________


Sabti: February 5, 2022

Howlgal uu hogaaminaayay Taliyaha aga Silsilada Golis ee Ciidanka Difaca Dowlad Goboleedka Puntland G/Sare Siciid Nuur Shire iyo saraakiil kale ayaa manta howlgallo kala duwan ka sameeyeey deegaano iyo Tuulooyin hoos yimaada Bari iyo Sanaag kuwaas oo kala ahaa Milxo,Qow, Miciga Durduri.

Ciidamadaan oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ay sigar ah howlgalka uga sameeyeen degaano la sheegay in ay tageen Xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo hoosyimaada deegaanka Milxo balse markii ay halkaas horay u gareen cutubyo ciidan Daraawiishta iskaga baxa.

Dadka deegaanka Milxo ee buuraleyda Calmadow ee gobolka Sanaag ayaa Taliyaha usheegay in ay iska difaceen cadowga alshabab iyagoona u mahadceliyay ciidamada Difaaca Puntland oo markiiba halkaas horay u gaaray.

Dhanka kale Saraakiisha ayaa tilmaamay in Howlgalkaasi uu ahaa mid qorsheysan,isla markaana Al-shabaab looga saaray Degaanadasi,waxa ayna shegeen in ay sii laba jibaari donaan Howlgalada Al-shabaab lagula Dagalamaayo Degaanada Puntland.

Office Nairobi Kenya

\

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post