930 Views

Sheikh Maxamed Cabdi Umal oo sheegay in axmed Madoobe iyo Deni Mushkilada Somaliya ay Qeyb ka yihiin Dawo Muqaalkan

Sheikh Maxamed Cabdi Umal oo sheegay in axmed Madoobe iyo Deni Mushkilada Somaliya ay Qeyb ka yihiin Dawo Muqaalkan
____________________________________________________________________________

..

8-da Marso 2021

Sheikh Maxamed Cabdi Umal oo kamid ah culimaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa eedayn kulul dusha uga tuuray maamulada Puntland iyo Jubbland oo ay Madaxweynayaasha ka yihiin axmed Madoobe iyo Siciid Cabdulaahi Deni.

 oo ay Madaxwseynayhaaee ku nool waddanka Kenya, ayaa farriin adag u diray Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbland.

Sheikh Umal ayaa muuqaal uu xalay soo dhigay bartiisa Facebook, waxa uu ku sheegay in Madaxweynayaasha Puntland Siciid Deni iyo Jubaland Axmed Madoobe ay qayb ka yihiin mushkiladaha haysta Soomaaliya, gaar ahaanna xasaradda siyaasadeed ee ka jirta dalka.

Wuxu sheegay in labadaas mas’uul ay shuruudo badan hor-dhigeen shirar kala duwan, oo la doonayay in lagu xalliyo muranka ka aloosan Arrimaha doorashada, si heshiis dhammaystiran looga gaaro murankaas.

Sidoo kale, wuxu xusay in uu jiro tuhun la xiriira in labada madaxweyne ay ku xiran yihiin dalal shisheeye oo aan wax dan ah u hayn Soomaaliya, inkastoo uu ka afeeftay in isagu uusan xaqiijin Karin tuhunkaas.

Muuqaalkan Cusub ayaa ah mid ka duwan kii maalintii jimcaha ahaa uu kaga hadlay xaalada Somaliya oo uu la hadlay Mucaarad iyo Muxaafid, waxa uuna Xiligaas Eedayn Dusha kaga tuuray dhamaan siyaasiyiinta asaga oo si gaar ah fariin ugu Diray Madaxweynaha Waqtigiisii dhamaaday oo uu u sheegay in uu kursiga ka dago oo uusan gursiga la dhalan ama uusan dhalin uuna iskadaayo madax adeega.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post