903 Views

Guddiga Qaran ee gurmadka Abaaraha oo deeq Raashin ah gaarsiiyay Galmudug

Guddiga Qaran ee gurmadka Abaaraha oo deeq Raashin ah gaarsiiyay Galmudug
____________________________________________________________________________

Arbaco March 30, 2022

 Guddiga Qaranka ee gurmadka Abaaraha Soomaaliya ayaa deeq Raashin gaarsiiyay deegaanno ka tirsan Galmudug, iyadoo laga qaybiyey ilaa Sideed degmo, kuwaa oo ay kaalmadan aqaladooda ku gaartay dad dhan 250 qoys oo danyar,  kuwaa oo isugu jira Agoon iyo dad liita oo ay abaartu saameysay.

Raashiin gaaraya 25-kg oo Bur ah, 25kg oo Sokor ah iyo 3LT oo Saliid ah ayaa la siiyey 250-kan qoys, dadk la gaarsiiyay Rashiinka ayaa ku kala sugnaa Caabudwaaq, guriceel, Dhuusamareeb, Balambal, Cadaado, Gaalkacyo, Xeraale iyo hobyo.

Gudigga qaranka ee gurmadka Abaaraha Soomaaliya, ayaa qaybinta deeqdan u wakiishey samafalayaal howshan u gutay si hufan, waxaana kaalmadan la siiyey ka mahad celiyay qoysaska la gaarsiiyey oo qaarkood warbaahinta qaranka la wadaagey duruufaha heysta iyo waxa raashinkani noloshooda ka tarayo maadaama ay fooda nagu soo heyso bisha barakeysan ee Ramadaan.


Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post