948 Views

Cudurka Covid-19 oo faro kulul ku haya Garrisa iyo deegaanada hoos taga

Cudurka Covid-19 oo faro kulul ku haya Garrisa iyo deegaanada hoos taga
____________________________________________________________________________


Aaxad: September 5, 2021

Wararka imaanaya xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab iyo guud ahaan deegaanka Gaarisa ayaa sheegaya in cudurka Covid-19 uu faro kulul ku hayo deegaankaasi, iyadoo sida masuuliyiinta caafimaadka deegaankaasi ay sheegeenna ay masaajiddu ka mid yihiin meelaha sida xawliga ah la isu qaadsiin karo cudurka, maadaama aysan dadweynuhu dhaqan gelin tallaabooyinka looga hortagayo cudurka.

Masuuliyiinta caafimaadka ayaa awaamiir iyo tallaabooyin lagu xakamaynayo cudurka ka soo saaray qaabka loogu Tukanayo goobaha cibaada.

Faafaahinta arrintaas iyo guud ahaan saamaynta cudurku uu ku reebay deegaanka waxaan ka waraysnnay madaxa caafimaadka ee Deegaanka Gaarisa, Rooble Siciid Nuunow oo khadka taleefanka ugu warramay Cabdiraxmaan Xaaji Caddow, kaas oo marka hore waydiiyay sababta ay awaamiirta cusub u soo saareen?

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post