792 Views

Duqa Muqdisho iyo Xildhibaanno booqasho salaan ah ugu tegay Madaxweynaha Dalka

Duqa Muqdisho iyo Xildhibaanno booqasho salaan ah ugu tegay Madaxweynaha Dalka
____________________________________________________________________________

Khamiis: May 19, 2022

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa booqday hoyga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud isagoo ugu hambalyeeyay doorashadii uu dhawaan ku guuleystay.

Kulanka waxaa kaloo goob joog ka ahaa qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana ujeedka kulanka uu ku saabsanyahay salaan iyo hambalyo ku aadan doorashadii uu dhawaan ku guuleystay Madaxweynaha Dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirka waxaa kaloo looga hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post