852 Views

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Shabaab gubeen 7 gaari oo xamuul ah

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Shabaab gubeen 7 gaari oo xamuul ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 24, 2020 –Afhayeenka Ciidanka booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan ayaa sheegay in Al-Shabaab ay xalay gubeen todobo gaari oo xamuul oo ay leeyihiin dad Shacab ah, kuwaasoo marayay gobolka Bakool.

Falkaan ayaa ka dhacay sida uu sheegay taliyaha Emed Koore ee gobolka Bakool.

Gaadiidkaan ayaa ka baxay Magaalada Beledweyne, waxaana uu kusii jeeday magaalada Xudur.

“Xalay abaare 08:00 fiidnimo ayeey Argagixisadu ku gubeen 7 gaadiid ah oo nuuca xamuulka qaada ah bananka hore ee Tuulada EMED KOOREEY ee Gobolka Bakool, gadiidkaan oo ay lahayeen isla markaana u rarnaa dadka shacabka ah, ayaa ka soo baxay Baladweyne kuna sii jeeday Xudur”ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Ururka Al-Shabaab oo ku aadan warkaan kasoo baxay Dowladda Soomaaliya ee loogu eedeeyay in ay gubeen gaadiiid ay leeyihiin Shacab ah


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post