1041 Views

Somalia & Koonfur Afrika oo ka wada hadlay dhibaatada lagu hayo Soomaalida

Somalia & Koonfur Afrika oo ka wada hadlay dhibaatada lagu hayo Soomaalida
____________________________________________________________________________

Jimco: October 15, 2021

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Maxamuud Axmed Nuur ayaa qaabilay safiirka dalka Koofur Afrika u qaabilsan Soomaaliya H.E. Mninwa Johannes Mahlangu.

Labada safiir ayaa ka wada hadlay cilaaqaadka labada dal iyo iskaashiga ka dhaxeeya iyo sidii loo dardar gelin lahaa wadashaqeynta labada safaaradood.

Wararka sidoo kale kulanka laga helayo ayaa sheegaya in labada Safiir ay ka wada hadleen dhibaatada dilka iyo boobka ah ee lagu haayo Soomaalida ku Ganacsatada gudaha dalka Koonfur Afrika.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Maxamuud Axmed Nuur ayaa safiirka dalka Koofur Afrika u qaabilsan Soomaaliya la wadaagay in ay ka hortagaan dhibaatada lagu haayo Soomaalida oo noqday kuwo si joogto ah uga dhaca dalkaas.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa kunool Soomaali farabadan oo Ganacsiyo kala duwan kuleh dalkaas, hayeeshee Maalin walba ay la kulmaan dhibaatooyin isugu jira dil iyo in la boobo Hantidooda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post