894 Views

Wasaaradda maaliyadda Japan oo sheegtay in cunaqabatayno dheeraad ah ay ku soo rogeen Ruushka

Wasaaradda maaliyadda Japan oo  sheegtay in cunaqabatayno dheeraad ah ay ku soo rogeen Ruushka
____________________________________________________________________________

Talaado: March 8, 2022

Wasaaradda maaliyadda Japan ayaa waxaa ay sheegtay in cunaqabatayno dheeraad ah ay ku soo rogeen Ruushka iyo Belarus si loogu ciqaabo Ruushka duulanka uu ku qaaday Ukraine.

Dowladda japan ayaa sheegtay in cunaqabateydan cusub lagu soo rogay shaqsiyaad gaaray ilaa 20 qof oo ay kamid yihiin ku xigeenka madaxa shaqaalaha ee maamulka Madaxweyne Vladamir Putin, guddoomiye ku xigeennada baarlamaanka, madaxa Jamhuuriyadda Chechnya iyo madaxda shirkadaha xiriirka dhow la leh dowladda Ruushka Sida Volga Group, Transneft iyo Wagner.

12 muwaadin oo Belarusian ah ayaa sidoo kale la beegsaday, iyadoo ay weheliyaan laba kale oo Ruush ah iyo 12 oo ah ururo kajira dalka Belarusia.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post