1263 Views

Ciidamada ammaanka oo maleeshiyaadka Al-Shabaab kala wareegay deegaanno hoostaga magaalada B/weyn

Ciidamada ammaanka oo maleeshiyaadka Al-Shabaab kala wareegay deegaanno hoostaga magaalada B/weyn
____________________________________________________________________________

Sabti: November 13, 2021

Ciidamada amaanka ee ka howlgallo gobalka Hiiraan, ayaa kooxda Nabad diidka ee Al-shabaab kala wareegay deegaanno dhaca galbeed magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Howlgallo qorsheeysan oo ay  ciidamada ka sameyeen galbeedka magaalada Baladweeyn ayay maleeshiyada Al-Shabaab, kala wareegeen Tuulooyin ay dadka ku dhibaateyn jireen.

Deegaanada Ceelka-baar, Biitaale, Gaaburow iyo deegaano kale, ayay Ciidamada kala waregeen maleeshiyaadka Argagixisada, deegaanadaas oo dadkii ku nolaa ay daadasheen abaaro, deeqigii la gaarsiin lahaana ay hor istaageen argagixisada Al-Shabaab.

Ku-simaha guddoomiyaha gobolka Hiiraan, ahna guddoomiye ku-xigeenka Maaliyadda iyo siyaasadda ee gobolka Hiiraan Abuukar Sheekh C/llaahi Maadeey, ayaa ku amaanay ciidamada sida geesinimada leh ee nabad-diidka uga dulqaadeen dadka shacabka ah ee ay dhibaatada ku hayeen, wuxuuna sidoo kale, tilmaamay in ay soo dhaweynayaan cid kasta oo ku soo biirta la dagaalanka maleeshiyada Al-Shabaab.

Dagaalka lagu wajahay argagixisada ee deegaanada galbeedka Baladweyne looga saaray ayaa waxaa horay u bilaabay dadka deegaanka oo is abaabulay qoryahana u qaatay sidii ay nabad-diidka ula dagaalami lahaayeen

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post