1200 Views

Akhriso:-Halka ay ku dambeysay cunaqabateyntii la saaray Jawad Zarif?

Akhriso:-Halka ay ku dambeysay cunaqabateyntii la saaray Jawad Zarif?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 08, 2019 —Hal toddobaad ka dib markii Maraykanku uu cunaqabateyn saaray Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran Mohamed Jawad Zarif, arrintaas oo keentay in laga yaabo in Zarif uu waayo xisaabaadkiisa warbaahinta bulshada, ayaa dawladda Maraykanka iyo shirkadaha teknolojiga ay labaduba arrintaas ka aamusan yihiin.

Maamulka Trump ayaa cunaqabateeyey Zarif 31-ka bishii July, iyada oo Maraykanku uu sabab u dhigay in uu u adeego Hogaamiyaha Sare ee Iran Ayatullah Cali Khamanei, kaas oo isagana ay dawladda Maraykanku cunaqabateyn saartay, iyada oo Iran cadaadis daran saaraysa.

Akoonka twitterka ee Jawad Zarif ayaa waxaa ku xiran 1.2 milyan oo qof, halka 729 kunna ay ku xiran yihiin akoonkiisa Instagaramka, kaas oo ay leedahay shirkadda Facebook. Zarif ayaa wali labada baroodba adeegsada ilaa markii cunaqabateynta la saaray dhamaadkii July.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment