378 Views

Madaxweynaha Puntland oo galabta gabaldhicii lagu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Puntland oo galabta gabaldhicii lagu soo dhaweeyey magaalada  Muqdisho
____________________________________________________________________________

Arbaco: OCTOBER 26, 2022

Madaxweynaha Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa gelinkii danbe ee maanta oo Arbaca ah ka degey magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha waxaa safarkiisa ku weheliyey Wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah, wasiiru dowlaha madaxtooyada, wasiirka biyaha iyo macdanta, la taliyaal iyo shaqaalaha xafiiskiisa qaar kamid ah.

Ujeedka safarka ayaa ah in uu ka qaybgalao shir Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isugu yeeray dhamaan madaxda dowlad goboleedyada, shirkan ayaa daaran qodobo dhawr ah sida Horseed media fahamsan tahay.

  • arrimaha amniga iyo la dagaalanka argagixisada
  • soo saarista shidaalka dalka iyo heshiisyada shidaalka
  • iyo qodobo kale oo la xiriira wada shaqeynta

Puntland ayaa horey uga soo horjeestey heshiisyada shidaalka ilaa laga heshiiyo, waxaana hadda wararku sheegayaan in Puntland ay iska beddeshey mowqifkeedi hore ee dhanka heshiisyada shidaalka, iyada oo la tixraacayo xog warbaahintu heshey iyo khudbadii Madaxweynuhu ka jeediyey furitaankii kalfadhigii 51aad ee golaha wakiilada maalintii Salaasada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post