456 Views

Hormuud Salaam Foundation, oo Matoor Dabka dhaliya ugu deeqday Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir .

Hormuud Salaam Foundation, oo Matoor Dabka dhaliya ugu deeqday Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir .
____________________________________________________________________________

 Arbaco: AUGUST 31, 2022

Hay’ada Hormuud Salaam Foundatio ayaa  matoor dab dhaliye ah oo weyn ugu deeqdey  isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir.

matoorkan ayaa loogu talagalay in isbitaalka uu ku shaqeeyo maadaama isbitaalka ay ka jirtay matoor yari waxaana arintan ay timid ka dib codsi ka yimid Maamulka sare ee Isbitaalka Banaadir.

Munaasabad kooban oo manta  lagu qabtay xarunta isbitaalka waxaana kasoo qeyb galay Wasiiru dwolaha Wasaarada Caafimaad Soomaliya , Marwo Maryan Maxamedd Xuseen Madaxa, Hay’ada Hormuud Salaam Foundation iyo maamulka isbitaalka Banaadir

Gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation Cabdullaahi Nuur Cusmaan  ayaa faafahin ka bixiyay Matoorka aay  maanta  ku wareejiyeen maamulka isbitaalka Hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir, Gudoomiyaha waxaa uu sheegey in aanay aheyn markii ugu hoireesey oo aay Isbitaalka Caawiyaan, wuxuuna sheegey ineey horey caawimaad badan u fidiyeen maadaama uu yahay Isbitaal u adeega Hooyada iyo dhallaanka, HSF, aay markastaa mudnaanta siiso Hooyada iyo dhallaanka.

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir Fartuun Shariif ayaa sheegtay in Matoorkan uu waxbadan katari doono baahida isbitaalka iyada oo u mahad celisay Hay’ada Hormuud Salaam Foundation, oo caawinaad lasoo garan taagneyd Isbitaalka wakhti badan.

Agaasimaha waaxda Caafimaadka ee Wasaarada Caafidmaadka Dr Wehliye oo goobta ka hadlay ayaa ka sheekeeyay marxaladihii adkaa ee isbitaalka iyo sidii Hormuud Salaam Foundation ay u garab istaagtay mar kastaa.

Wasiiru Dowlaha wasaarada Caafimaadka Drs Maryan Maxamed Xuseen  oo gaba gabdii Munaasabada Ka hadashay ayaa sheegtay in hay,ada Hormuud Salaam Foundation ay udub dhaxaad u tahay wax u qabashada dadka Soomaaliyeed , ayna wax badan tartay, waxaana sheegtey in waxqabadka iyo garab istaaga Hormuud Salaam Foundation aanan lasoo koobi Karin, waxaana aay ugu baaqdey Shirkadaha kale iyo ganacsatada Soomaaliyeed ineey ku daydaan HSF oo aay garab istaag iyo caawinaad u fidiyaan Isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir , maadaama uu yahay Isbitaal u adeega inta danta yar ee bulshadeedna, Wasiiru dowlaha ayaa Hormuud Telecom iyo Salaam Somali Bank  allah u weeydiisey inuu xoolahooda u barakeeyo, maadaama aay maalgeliyaan HSF.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post