954 Views

Safiirka Cusub ee Norway u soo magacaabatay Somalia oo warqadaha laga guddoomay

Safiirka Cusub ee Norway u soo magacaabatay Somalia oo warqadaha laga guddoomay
____________________________________________________________________________

Muqisho |QOLIArbaco : December 15, 2021—Agaasimaha guud ee habmaamuuska Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Abukaate Xirsi Xaaji Culusow, ayaa oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka Cusub ee dowladda Norwey ay u soo magacowday Soomaaliya Mudane Gunner Andreas.

Agaasimaha oo Danjiraha Cusub la wadaagay hambalyo ku aaddan mas’uuliyaddan loo igmaday, ayaa u sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibaddu ay Danjire Andreas ku soo dhoweynaso in uu ka mid noqdo bahda bahda diblomaasiyiinta ka hawl gala Dalkeenna.

Dhankiisa Danjire Gunner Andreas ayaa ka mahad celiyey soo dhoweynta diirran ee uu kala kulmay Soomaaliya.

Xafiiska Qaranimo Online |Mogdishu

_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post